Ciidanka Badda Libya, ayaa helay meydadka 92 ruux oo ka mid ahaa illaa 500 oo ruux, oo dadaal ugu jiray sidii ay ku gaari lahaayen dalka Talyaaniga, ka dib markii Khamiistii ay ka amba baxeen Xeebaha Magaalada Zuwara.
Tahriibayaasha, ayaa la socday laba doomood oo ka wada shiraacday Xeebaha Zuwara, waxaana labadaba la sheegay inay deggeen, markii la saaray tiro ka badan intii loogu talla-galay.
Saraakiisha Libya, ayaa rumeysan inay dhinteen laba boqol oo ka mid ah dadkaasi, halka weli la weysan yahay qiyaastii 170 ruux oo kale, kuwaa oo aan nolol iyo geeriba lagu hayn.
Inta badan dadkii la socday doomahaasi, ayaa la sheegay inay u kala dhasheen Syria, Bangaladesh iyo qaar ka mid ah dalalka Saxaraha ka hooseeya.
Bishan August, ayaa waxaa si xoog leh u soo batay dadka tahriibayaasha ah ee doonaaya inay mar uun lacagta dhigaan Wadamada Qaaradda Yurub, si ay u hellaan nolol dhaanta midda ka jirta dalalkii ay ka soo carareen.
Qulqulka baaxadda leh ee dadka magangelyo doonka ah, ayaa dareen ku dhalisay Madaxda Yurub, kuwaa oo qaylo dhaan xoog leh ka muujinaaya tahriibayaasha.