Eng: Hassan Jibril Mo’allim oo ah gudoomiyaha dhalinyarada wax ka barata Magaalada Boorama, Awdal Soomaliland ahna Bare katirsan Jaamacadda Eelo ayaa hambalyo bogaadin leh u diray dufcadii 4-aad ee ka qalin jibisay Jaamacadda Camuud ee ka yimid gobalka shabelaha hoose.
Gudoomiyaha Dhalinyarada Eng: Hassan Jibril Mo’allim ayaa waxaa uu aad ugu hambalyeyay guusha ay gaareen , sidoo kale uxuu ugala dardaarmay siday bulshadii ay kasoo tageen ay wax ugu qaban lahaayeen oo ay aqoontii ay ka barteen Jaamacaada ay ugu anfici lahaayeen Dalkood Diintooda iyo Dadkoodaba.
Dufcadaan oo ah Dufcadii ugu badnayd ee kasoo jeeday Gobolka Shabeelada oo ka qalin jebisa Jaamacadda Camuud, waxeyna ka qalin Jibiyeen kuliyado kala duwan oo kala ah Medical iyo Agriculture.