Taliyaha ugu sareeya ciidamada Difaaca dalka Kenya Lt General Leonard Ngondi, ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose, wuxuuna kulan la qaatay Saraakiisha Kenyan-ka ah ee Amisom ka tirsan iyo hogaamiyaha Maamulka Jubbaland.
Lt General Leonard Ngondi, ayaa ka degay Kismaayo shalay oo Jimco aheyd, wuxuuna Garoonka Magaaladaasi kulan kula qaatay Saraakiisha ciidamada Kenya ee jooga Magaalada Kismaayo.
Taliyaha ciidanka Difaaca dalka Kenya, ayaa ciidamada dalkiisa ka socda ee howlgalka Amisom ka tirsan, wuxuu ku ammaanay sida wanaagsan ee ay ugu howlgalaan Magaalada Kismaayo iyo la dagaalanka Shabaab.
Intaasi kadib Taliyaha, ayaa waxaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Magaalada Kismaayo oo uu kula shiray Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “ Axmed Madoobe”
Labada dhinac ayaa waxa ay isla soo hadal qaadeen dagaalka ka dhanka ah Ururka Shabaab iyo sidii ciidamada Kenya ay u dar-dargelin lahaayeen howlgalka ay u joogaan Somalia.
Axmed Madoobe ayaa ka codsaday Taliyaha ugu sareeya ciidamada Kenya inay kordhiyaan ciidankiisa la dagaalanka Ururka Al Shabaab iyo sidii loo wajihi lahaa deeganada Shabaabka ay ka joogaan Jubbooyinka.
Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa sidoo kale sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay booqashada Kismaayo uu ku tagay Taliyaha ciidanka Difaaca dalka Kenya Lt General Leonard Ngondi.
Kismaayo ayaa waxaa ka howlgala ciidamada Kenya oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Amisom, waxaana ciidankaan ay dagaal kula jiraan Xoogaga Shabaab.