hirkadda Dhismaha ee Al-Buruuj iyo Tan Hantida Ma Guurtada ah ee Salaam ayaa waxa ay magaalada Muqdisho ka bilaabeen Xafadii cusbayd ee laga dhisayay Degmeda Dayniile.
Xaafadani cusub ayaa waxa ay leedahay xeendaab kore oo ku wareegsan, hal albaab oo laga galo, isbitaal, masaajid, suuq , goobo jimicsi iyo ciyaaro iyo waliba madadaalada caruurta, iyada oo guryaha loo dhisey qaab casri ah oo lagu qalabeeyey dhamaan agabkii muhiimka ahaa sida shooladaha cuntada lagu kariyo ee korontada ku shaqeeya iyo wixii la hal maala.