Waxaa kulan xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay Saraakiil kasocotay Urur Gobolleedka IGAD iyo Xubno katirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Madaxtooyada Baydhabo ayaa kulankaasi uu ka dhacay waxaana lasoo warinayaa in looga hadlay arimo kala duwan oo qaarkood saxaafadu aysan goob joog ka aheyn.
IGAD waxay la shaqeyn doontaa Maamulka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayna ka caawineyso sidii loo dar dar gelin lahaa sugida Nabad gelyada iyo Maamul wanaaga.
Maamulka uu hogaanka u yahay Shariif Xasan ayaa waxa laga dhur sugayaa dhawaan in lasoo magacaabo Baarlamaanka Maamulkaasi yeelan doono.