Nabadoon Siid Cali Sokeeye oo kamid ah wax garadka Ka soo jeeda shabeelaha hoose oo wareysi siiyay Radio Danan ayaa waxaa uu eed dusha kala dhacay Ninka sheegta in uu yahay gudoomiye ku xigeenka Amniga shabeelaha hoose ninka lagu magacaabo Cali Nuur.
Nabadoonka ayaa waxaa uu sheegay in Cali Nuur uu sheegay in beesha Biimaal uu ku tilmaamay in ay lashaqeyo shabaab taasina ay tahay gef uu u gefay beesha oo dhan.
Waxaa uu warkiisa intaas raaciyay in Cali Nuur uu ka soo jeedo Gobolada dhaxe loona baahan yahay in uu aado deegaanada uu ka soo jeedo
Dhanka kale waxaa uu sheegay in ninkaan hada ay wadaan maamulka koonfur galbeed ee soomaliya hadii maamulka koonfur galbeed ay doonayaan in nabad gobolka ka dhalato ay joojiyaan waxa ay wadaan