Nabadoon Maxamed Cusmaan Macalin Bunduqow oo ka mid ah Wax garadka shabeelaha hoose oo wareysi gaar ah siiyay Radio Danan ayaa waxaa uu sheegay in ay saluugsan yihiin qaabka loo soo xulayo Baarlamanka
ee soomaaliya.
Nabadoonka ayaa waxaa uu sheegay in Beeshooda ay xaq uleeyihiin 10 Xildhibaan laakiin laduudsiiyay sida ay ula muuqato oo lasiinayo beel aaney wax shaqo ah ku lahayn shabeelaha hoose.
waxaa uu uga baaqay shariifka iyo xulafadiisa in ay joojiyaan waxa ay wadaan 10 xildhibaana si sax ah loo siiyo.
Dhanka kale waxaa uu lahadlay wasiirada dhankooda ay ku leeyihiin Maamulka koonfur galbeed in ay yeeshaan karti oo ay iska daayaan maqaarsaarnimada.