Weli waxaa mudo dhowr sano ah ay xiisad kataagan tahay gobolka shabellaha Hoose taasoo udhaxeya
ciidamada xaq u dirirka ah iyo kuwo sharka dowlada wata kuwaas oo isku heesta gacan kuheeynta degmooyin katirsan gobolkaas.
Xasan Jaamici oo sheegtay inuu yahay Taliyaha Ururka 2.aad ee Guutada Sadaxaad ee Ciidanka Xooga dalka oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay war qawadka muurinews.com ayaa sheegay in iyagu ay yihiin Sarakiisha Ciidanka Dowlada Somaaliya ee loogu talagalay in amaanka gobolka Shabellaha Hoose ay xaqiijiyaan balse waxa uu tilmaamay in ay jiraan rag kazoo horjeeda oo sheegta inay yihiin Ciidamada deegaanka waxa uuna sheegay in aysan jirin wax layiraahdo Ciidanka Deegaanka qeybna aysan ka aheyn ciidanka dowlada Somaaliya isagoo ukala qaaday afar qeybood.
Dhanka kale Xasan jaamici ayaa waxa uu ugu baaqay Raga kazoo horjeeda ee dagaalka kula jira inay Nabadda qaataan isla markana ay dadkooda ay dhinac karaacaan maadam dagaal uusan waxba soo kordhineynin.
Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa dhowr sano kataagan dagaal aan weli xal loo helin iyadoona dhowr jeer oo hore la isku dayay in xal laga garo balse aan lagu guuleysan.
bal dhageyso doqonkaan waxa uu ku hadlaayo miyuu waalan yahay mase hada lagu soo socdaa bal dhageyso waxa uu ku hadlaayo