Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay in la laalo mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya.
Kulanka maanta oo ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa goob joog ahaa Labada Gole ee Dowlada oo dhamaantood ka mideysnaa ineyn ka soo horjeedaan mooshinka madaxweynaha Soomaaliya laga gudbiyay kaasi oo la doono in xasan Sheikh xilka looga qaado.
Warsaxaafadeeda si wada jira ah u soo saareen Xildhibaanada iyo Wasiirada Kulmay ayaa waxaa saxaafada u aqriyay Dr Cilmi Maxamuud oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya.