Dowlada Austria ayaa ogolaatay in ay xadkeeda u furto dadka muhaajiriinta ah ee u badan qaxooti kasoo cararay colaada ka aloosan dalka Siiriya, kuwaa oo dhawaan soo gaaray dalka Hungary .
Hogaamiyaha Austria Werner Faymann, ayaa war qoraal ah uu sooo saaray waxa uu ku sheegay in Dowladiisa iyo Jarmalka ay ku heshiiyeen in ay xadka u furaan dadka Muhaajiriinta ah ee kusoo qul qulaya dalalkaasi.
Muhaajiriin tiro badan oo horey ugu sugnaa magaalada Budapest ee xarunta Dalka Hungary, ayaa bilaabay in ay u lugeeyaan xadka dalka Austria kadib markii loo diiday in dalkaasi tareen u raacaan.