Ka dib kulan magaalada Muqdsiho maanta ay ku yeesheen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaaanka Soomaaliya kana soo horjeedo mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay sheegeen inaan gor gortan laga galeyn sidii loo maareyn lahaa Labada mooshin ee loo gudbiyay gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanad Khadiija Max’ed Diiriye oo ka mid ah mudanayaasha maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ee ka horjeeda mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha ayaa sheegtay in kulankooda maanta go’aan kaga gaareen inaan gor gortan laga galeyn xalinta mooshinada iska horjeeda ee horyaala gudoonka Baarlamaanka,waxayna shaacisay in mooshinka xilligani laga gudbiyay madaxweynaha uusan sharci ahayn.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa dhawaan soo saaray go’aan uu ku sheegay inay ku xalinayaan Labada mooshin ay gudbiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka oo labo garab u kala baxay.