waxaa hada heer gabo gabo ah maraayo soo xulista Baarlamaanka maamulka koonfur Galbeed kaas oo ay kuhowlan yihiin Odayaasha Dhaqanka maamulka Koonfur Galbeed.
Sidoo kale Urur Goboleedka IGAD ayaa ku howlan sidii Deg Deg loogu soo xuli lahaa Baarlamaanka Maamulkaasi,waxaana IGAD ay Maamulak Koofur Galbeed u qabatay Mudo ku siman 20-ka Bishaan in Xildhibaanada lagu soo Xulo.
Dhanka kale qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka kasoo jeeda gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ay dhaliilsan yihiin qaabka loo xulaayo Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyagoo kutaliyay in gudi farsamo loo sameeyo uu xulo Baarlamaankaas.