Madaxda Dowlada fedaraalka iyo Maamulka Koonfur galbeed oo ay wehliyaan Wakiilka Midowga afrika ee Soomaaliya iyo Odayaal kasoo jeeda gobolka shabellaha hoose Ayaa ka dhacay Degmada Afgooye.
Shirkan ayaa lagu tilmaamay mid lagu sii amba qaadayo heshiis horey u dhex maray Beelaha Habar gidir iyo Biimaal oo ku dagaalamaya Gobolka shabellaha hoose
Warbaahinta looma soo bandhigin heshiiska iyo waxa uu yahay waxaana madaxda goobta ka hadashay ay sheegeen in qodobo dheeri ah lagu kordhiyey heshiiskii hore afgooye lagu gaaray.