Madaxweynaha Maamul Gobboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafddi uu hogaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubbada Hoose.
Wafdiga Gaas waxaa sidoo kale kamid ah Wasiiro iyo Odayaal reer Puntland ah , waxayna ka qeyb geli doonaan caleemasaarka Madaxweynaha Jubbaland ee sabatida beri ka dhici doona magaalada Kismaayo.
Garoonka Diyaaradaha Kismaayo waxaa wafdiga Madaxweynaha Puntland kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland iyo masuulyiin kale Duwa.
Intaasi kadib Labada Madaxweyne ayaa shir jaraaid ku qabtay Madaxtooyada Kismaayo.