Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu sheegay in inta abdan Ciidamada katirsan dowlada Somaaliya ee jid gooyooyinka dhigta deeganada gobolka Shabellaha Hoose ay kuqasbeen duruufoyin kala duwan iyo inay waayeen xaquuqdii ay kulahayeen dowlada Somaaliya.
Shariif Xasan ayaa waxa uu ugu baaqay dowlada Somaaliya in Ciidanka dowlada Somaaliya ay siiso Xaqooda ay kuleeyihiin maadama ay yihiin kuwo udhabar adeegay duruufo badan hadii ay helaana ay meesha kasaari doonto inay dhigtaan jidgooyooyin.
Qeybo badan oo katirsan gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa yaala jidgooyooyin fara badan kuwaas oo uyaalo ciidamo katirsan kuwa dowlada Somaaliya waxana madaxda qaranka ay sheegaan in Askarta ay heli doonaan Mushaarkooda inkastoo hadaladaas aysan fulin
Dhgeyso