Waxaa Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose maanta kasocda kunaasabad balaaran oo lagu caleema saarayo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe oo dhawaan mar kale loo doortay in uu noqdo Madaxweyne.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’izul Wasaare Cumar Cabdi Rashiid, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya iyo Xildhibaano ayaa ka qeyb galaya munaasabada caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland.
Waxaa sidoo kale maanta gaaray Magaalada Kismaayo Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Itoobiya Thedros Adhonom, wakiilka qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay, safiirka Turkiga ee Soomaaliya Bekar Olgan, hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale, Madaxweynaha Puntikand.
Waxaa xiligan Kismaayo kasocota munaasabada caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe, waxaana la filayaa in Munaasabada goordhaw ku biiraan Kismaayana gaaraan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xubno kale oo Dowlada katirsan.