Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey iyo Wasiirada Arrimaha Dibadda Dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Mas’uuliyiintaan ayaa Magaalada Kismaayo uga qeyb galaya Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo maanta ka dhacaysa Kismaayo.
Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Jubbaland.
Kismaayo ayaa horay waxaa u gaaray Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Mas’uuliyiin kale.