Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta ka dhacday Magaalada Kismaayo halkaasoo lagu caleema saaray Maadaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.
Xaflada waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin Dowlada Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka kala socday dalal deriska ah iyo hay’ado caalami ah.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , Ra’iisulwasaaraha Cumar C/rashiid iyo xubno labada Gole ka tirsan ayaa Dowlada uga qeybgalay xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe.
Sidoo kale dhamaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa ka soo qeybgalay sida Puntland C/weli Gaas,Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, iyo koonfur Galbleed Shariif Xasan Sh.Aadan.
Guud ahaan mas’uuliyiinta hadlay ayaa u hambalyeeyay Madaxweyne Axmed Madoobe xilka mar kale loo doortay maantana loo caleema saaray.