Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu ka hadlay kulan uu kula soo qaatay Magaalada Kismaayo Mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland.
Shariif Xasan waxa uu sheegay in kulan gaar ah uu la qaatay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyadoona arin muhiim ah laga hadlay.
Waxa uu madaxweyne Shariif Xasan sheegay inuu kala hadlay dhigiisa Axmed Madoobe sidii loo qeybsan lahaa awooda Labdaa Maamul iyo ka qeyb gelinta dadka kasoo jeeda deegaanada ay labada maamul ka arimiyaan.
Shariif Xasan ayaa hadalkiisa intaasi ku daray inuu ku rajo weyn yahay xiriir qoto dheer oo ka wanaagsan midka hadda uu rajeenayo inuu dhexmaro iyaga iyo Maamulka Jubbaland.
Sidoo kale Madaxweyne Shariif waxa uu sheegay in meel wanaagsan umareyso soo xulista Xildhibaanada ka mid noqonayo maamulkiisa dhawaana lagu dhawaaqi doono