Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa habaaray madaxweyne Xasan Sheekh Mar uu ka hadlayay arrimo badan oo ku sabaasan xaaladda Soomaaliya iyo siyaasadda guud ee DF.
Waxa uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu luggooyay dadkii shacabka ahaa, islamarkaana dowladiisa ay sii kala qeybisay dalka waa sida uu hadalka u dhigaye, isaga oo xusay in wax walba oo halaabay laga doonayo shacabka inay kula xisaabtamaan Xasan Sheekh.
“Xasan waa nin inkaar qaba, waayo waxa uu dhibaato ku hayaa shacabkii uu madaxda u ahaa, waxa uu kala gooyay gobaldii, waxa uu billaabay in uu dadka isku diro, mid mid u kala geeyo, isagana siyaasadiisa ay noqoto mid jahwareersan” ayuu yiri Faysal.
Sidoo kale Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Somaliland aysan kusii tashan doonin wada hadal ay la galaan dowladda uu hogaaminayo Xasan Sheekh, islamarkaana ay dib uga fiirsan doonaan wada hadalladaasi.