Beelaha kasoo jeeda gobalka Shabellaha Hoose, ayaa dhaliilsan qaabka uu Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan u wado xulista Baarlamaanka Maamulka.
Waxa uu cadeeyay in Odayaasha Barnaamijka xulista gacanta kula jiro ay yihiin kuwo si gaar ah ugu adeegaayo Shariif Xassan, taasina ay keentay in Xildhibaanada ay hal dhinac u bataan amaba ay noqdaan kuwo daacad u ah Shariif Xassan.
Sidoo kale, Maxamed Xasan ayaa cadeeyay inay jiraan beello badan oo deggan gobaladaasi oo la qadiyay, halka kuwo kalena loo sadburiyay, taasina ay cadaalada ka fog tahay, sida uu hadalka u dhigay.
Xildhibaannada Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa kama dambeys lagu wadaa in la shaaciyo 20-ka Bishan iyada oo beelo badan oo dega Gobollada Baay,Bakool iyo Shabeellaha hoose ay ka cabanayaan sad bursi ay sameynayaan Masuuliyiinta Maamulka Koofur Galbeed.