Kulan ballaaran oo looga hadlayey adkeynta amniga Degmada Marka ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Ayuub ,waxaana kaqeybgalay maamulka Degamada Marka. Saraakiisha amniga iyo qeybaha bulshada.iyo Nabadoonada Degmada,
Kulanka oo hal ku dhigiisu ahaa Nabad la’aan waa nolol la’aan ayaa Ujeedkiisu ahaa sida ugu wanaagsan ay u wada shaqeyn karaan Laamaha amniga iyo qeybaha bulshada ku dhaqan Degmada Marka .
Gudoomiyaha Degmada Marka Xasan Cumar Maclin oo kulanka hadal ka jeediyey ayaa sheegay iney muhiim tahay in si guud looga wadashaqeeyo amniga guud ee Degmada Marka, isla markaana laga hortago kuwa dhibaatada geysta.
Sidoo kale waxaa munaasabadda goobjoog ka ahaa Gudoomiyahii hore Maxamed Cismaan Yariisow Waxa uu sidoo kale sheegay Mudane Yariisow inuu sii wadi doono hooshii ow u hayay shacabkiisa owna la shaqey doono gudoomiyaha cusb