Waxaa mar qura Ciidamo watay gaadiidka gaashaaman lagu soo daadiyay wadada Makka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho Ciidamo aad u farabadan oo isugu jira Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska Gobolka Banaadir.
Ciidamadaani ayaa xiray gabi ahaan wadada Makka, waxa ayna dadku ahaayen kuwo is weydiinaayay ujeedka loo xiray wadada, dadka qaar ayaa mooday inuu maraayo Madaxweyne Xassan, hayeeshee arrinta yaabka abuurtay ayaa noqotay in wadadaasi loo xiray kaliya arooska C/fataax Ibraahim Cumar (Shaaweeye).
Arooska ayaa waxa uu ka dhacaayay Hotel Makka Al-mukarama waxaana hakat galay gaadiidka raaxada iyo kuwa BL-ka ee wadadaasi adeegsanaayay, waxa ayna su’aashu tahay maxay tahay sababta keentay in dadka shacabka ah loo ciqaabo sidaa !
Inta badan wadadan, ayaa waxaa la xiraa marka ay adeegsanayan Madaxda Dowladda, kolka la qabanayo kulamada waaweyn ee ay lee yihiin Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, waxaana iminka xigay in Dowlada Federaalka ay wadooyinka u xirato aroosyada.
Hotelka Maka Al Mukarama oo ka mid ah hoteelada ugu weyn ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ilaa 3 jeer weeraro ka gaystay Maleeshiyaadka Al-shabaab iminkana ku goodiyay in ay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah.