Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Shalay galinkii danbe Muqdisho ka furay Shirka wada tashiga Madaxda Dolwadda Federaalka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Xubnaha ka ah Dolwadda Federaalka ayaa Xalay kulamo goon gooni ah la yeeshay Hogaamiyaasha Maamul Goboleedyada.
Madaxweynaha ayaa Kulan ay Albaabadu u Xirnaayeen la qaatay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Shariif xasan Sheekh Aadan oo ah Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed.
Saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Noo Xaqiijiyay in Kulamadaa looga hadlay Sidii Al-shabaab looga saari lahaa Gobolada Koofur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Jubbada Dhexe oo Madaxweynahu uu sheegay in ay Muhiim tahay in Deg Deg Gacanta Dowladda uu Gobolkaasi u soo galo.
Sidoo kale Warar aan la Xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntaland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Soomaaliya ay is arkeen,inkastoo aan la Xaqiijin wax ay ka wada hadleen.
C/wali Gaas mar uu shalay ka soo baxayay Magaalada Gaalkacyo waxaa uu sheegay in Puntland uusan Mowqifkeeda badali doonin Shirka wada tashiga Madaxada Soomaalida ee Muqdisho ka Furmay.