Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa saaka Aroortii u duulay magaalada Dubai ee dalka Emaratka carabta,safarka madaxweynaha ayaa lagu sheegay mid tacsi ah geeridii ku timid wiilka uu dhalay Amiirka mandaqada Dubia,
Shalay galab ayey aheyd markii madashada wada tashiga uu iskii isaga tagay Shariif Xasan Sheikh Aaden isagoo sheegay inuu ka qeyb galayo gudashada Xajka ee sanadkan.
Safarka Madaxweynaha uu Dubai ku aadey ayaa lagu tilmaamey mid wakhti lumis ah, xili uu Muqdisho ka socdo Shirkii Wadatashiga higsiga 2016, kaas oo fashil qarka u saaran.