Wararka laga helayo Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan uu ka dhoofay Muqdisho.
Shirka wadatashiga ee galaya maalintii seddexaad ayaa waxa lasoo warinayaa inuu hadda umuuqdo mid aan suurta gal noqon karin ama waxa kasoo baxa aan loo dhameyn.
Shariif Xasan ayaa uduulay sida warar lagu kalsoon yahay sheegeen Dalka Sacuudiga si uu usoo guto waajibaadka Xajka.
Shirka oo maanta la filayo in lagu soo gaba gabeeyo Muqdisho ayaa waxa lasoo sheegayaa in Puntland iyo Jubbaland ay ka maqan yihiin shirkaasi.