Ugu yaraan labo boqol iyo labaatan ruux ayaa ku geeriyootay is dardar iyo isbuurasho ka dhacday meel ku dhow magaalada Makka ee Boqortoyada Sacudi Carabiya.
Sida ay sheegayaan mas’uuliyiinta boqortoyada Sacudi Carabiya isbuurashadan ayaa waxaa ku dhaawacantay 450 ruux iyadoo shilkan uu ka dhacay inta u dhexeysa buurta Carafa iyo Masjidka Xaramka.
Horaantii bishan ayaa wiish ku soo dumay masjidka xaramka waxaa ku dhintey 109 ruux halka ay afar boqol ku dhaawacmeen.
Lama oga illaa iyo hadda dadka ku dhintey isbuurashadan in ay ku jiraan dad Soomali ah iyo inkale hase yeeshee wixii faahfaahin dheeraad ah dib ayaan idin kala soo socodsiin doonaa Insha Allah.