Waxaa shalay dab xoogan uu ka kacay Masjidka ugu weyn Dalka Ingiriiska oo kuyaala Magaalada London ee Caasimada Dalkaasi, waxaana daminta dabkaasi ka qeyb qaatay tiro aad u badan oo katirsan Gawaarida Dab damiska.
Masjidka Baitul Futuh ayaa waxaa ka kacay dab qasaaro kala duwan gaarsiiyay qeybo kamid ah Masjidkaasi, waxaana usoo gurmaday daminta Dabkaasi in ka badan 70-Dab damis kuwaa oo ku hoolanaa sidii ay dabkaasi u damin lahaayeen.
Waxaana ugu dambeyn lagu guuleestay in la damiyo dabka ka kacay Masjidkan oo ah mid ugu weyn Dalka Ingiriiska, waxaana Masjidkan la dhisay sanadii 2003-dii.