Magaalada Paris ayaa waxay qorsheynaysaa maanta oo Axad ah “maalin baabuur la’aan ah “, waana markii ugu horeysay taariikhda casriga ah ee sidaan oo kale ka dhacayso dalka Paris, inta u dhaxaysa saacadda 11:00-18:00 saacadda Paris. Dowladdu bayaan ay soo saartay ayay kula talisay in dadka baabuurleyda ahi ay maalintaa dib u dhigtaan adeegsiga gaadiidkaas dhex bartamaha magaalada Paris. Waxaa iyagu xayiraadaa aan ku jirin Ambalaaska , baabuurta booliska , gawaadhiga kirada ah , baabuurta badeecooyinka daruuriga ah , baabuurta waaweyn ee xamuulka . Waxaana fikraddan la hirgalinayaa iyadoo Paris lagu marti galin doono laba bilood kadib shirka cimilada Adduunka ee 21-aad kaas oo dhici doona 30 November ilaa December 11 socon doon, waxaan loogu talal galay wacyi galinta bulshada la dagaalanka