Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay xariga magaalada Hargeysa loogu geystay Fanaaniinta xidiga Geeska oo habeenkii ciida bandhig faneedka ku qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha Somaliland oo BBC la hadlay ayaa sheegay iney ku saxan yihiin xariga loo geystay qaar kamid ah fanaaniinta xidiga geeska oo gaaraya afar fanaan
Wasiirka ayaa sheegay in fanaaniinta ku xad gudbeen xeerka u yaala maamulka Somaliland, maadaama ay ka tirsan yihiin baxda warfaafinta Somaliland.
Fanaaniinta ku sugan magaalada Hargeysa ayuu sheegay iney ka diiwaan gashan yihiin wasaarada warfaafinta islamarkaana ay jibiyeen xeerka wasaarada oo dhigaya in qof shaqaalaha Somaliland ka tirsan aysan Muqdisho u safri karin.