Guddoomiye ku xigeenka degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay Xuseen Max’ed Cali ayaa sheegay in dhawaan Ciidamo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed oo tababar uu u soo xirmay ay howl gallo ka billaabi doonaan deegaanno ka tirsan Gobolka Baay.
Xuseen Max’ed ayaa tilmaamay in deegaannada Howl gallada Ciidamadu ka sameyn doonaan ay yihiin kuwa ay ku sugan yihiin dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ayna ka sifeyn doonaan.
Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka ayaa shaaca ka qaaday in go’aanka howl gallada looga billaabayo deegaanno hoostaga degmada Buurhakaba uu yahay mid ka soo baxay kulankii shalay lagu qabtay Magaalada Buurhakaba ee ay ka soo qeyb galeen Masuuliyiin ka tirsan maamulka Koofur Galbeed iyo maamulka degmada Buurhakaba.
Dhanka kale Masuuliyiinta ka socday maamulka Koofur Galbeed ee shalay tagay Degmada Buurhakaba ayaa maamulka degmadaasi waxa ay kala hadleen sidii deeegaanadaasi hoostaga degmada Buurhakaba ee ay dhibaatooyinka ka alowsan yihiin gar gaar beni’aadanimo loo gaarsiin lahaa.
Magaalada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa shalay waxaa kulan ku yeeshay masuuliyiin ka tirsan maamulka Koofur Galbeed iyo xubno ka socday maamulka degmada Buurhakaba.