Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ay waheliyaan xubno kale oo Maamulkiisa ka tirsan ayaa maanta kormeer indha indheyn ah ku tagay qeybo kamid ah magaalada Kismaayo.
Kormeerka Madaxweynaha oo aanan horay loo sii shaacinin ayaa ku saabsanaa u kuur gelidda xaaladaha amni iyo dhaq dhaqaaq bulsho ee magaalada.
Meelaha uu Madaxweynuhu booqday waxaa kamid ah xaruntii Dalxiiska oo hadda la dagay islamarkaana uu dib u dhis xoogan ka socdo.
Masuulyiinta kormeerka Madaxweynaha ku wahelisay waxaa kamid ah Siihayaha wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Jubbaland Gen. Darwiiish, Siihayaha Gudoomiyaha Mamaulka Degmada, Siihayaha Gudoomiya G.Jubbada Hoose, Xildhibaan Cabdiwahaab iyo saraakiil kale.
Sikastaba, si rasmi ah looma oga waxaa uu ku qotomo kormeerka maanta ee Madaxweynaha Jubbaland.