Boqolaal kamid ah ciidamada dowlada UK ayaa loosoo dirayaa dalalka Soomaaliya iyo Koofurta Sudan si ay tababaro u siiyaan ciidamada nabad ilaalinta ee jooga lagada wadan, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha dalkaasi David Cameron.
Ra’iisul wasaaraha UK ayaa sheegay in ciidamada ka socda dalkiisa ay caawin doonaan howlgalka Qaramada Midoobay ee koofurta Sudan iyo howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya ka socda, si tababaro loo siiyo ciidamada.
Ku dhawaad 70 xubnood oo kamid ah ciidamada militariga UK ayaa la amray in loosoo diro Soomaaliya, laakiin ciidamada marnaba kama mid noqon doonaan howlgalka dhanka dhulka ee ka socdo Soomaaliya oo kaliya waxay tababar siinayaan ciidamada AMISOM.
Tababarka ciidamadaasi ay bixin doonaan waxaa kamid ah dhanka dagaalka, injineernimada iyo arimaha caafimaadka, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Uk David Cameron.
Inka badan 250 xubnood oo kale ayaa loo diro doonaa dalka Koofur Sudan halkaasi oo ay ku caawin doonaan ciidamada howlgalka Qaramada Midoobay ee koofurta Sudan.
Ra’iisul wasaaraha UK ayaa hadalkaan jeediyay Maanta oo Isniin ah kadib markii uu la kulmay xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, madaxweynaha Mareykanka iyo xubno dalal kale ka socday.
David Cameron ayaa ugu dambeyn sheegay in wax wanaagsan ay kasoo baxayaan Soomaaliya, sida in la yareeyay Dagaalkii xooganaa ee Alshabaab, burcad badeednimadii, Tahriibkii badnaa iyo horumar dhanka amaanka ah.