Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka Gobolka Shabeelada hoose Nabadoon Yuusuf Cali Boorre ayaa ka hadlay Warar sheegaya in Suldaan Cusub ay yeelatay Beesha Biimaal.
Nabadoonka waxa uu sheegay in Beesha Biimaal ay leedahay Suldaan, waxa uu sheegay in dhawaan ay soo baxeen Dad dano gaar ah kale Magaca Suldaan.
Nabadoon Yuusuf Cali Boorre ayaa waxa uu Riyo Maalmeed ku tilmaamay in koox yar oo hunguri doon ah ay sheegto in ay ku dhawaaqeen Suldaan Cusub waa wax lala yaabo.
Dadka arimhaas ku mashquulsan ayuu ugu baaqay in ay faraha kala baxaan, Beesha Biimaal waxey leedahay Nabadoono iyo Culimo oo go’aan ka gaari kara hadba wixii beesha Biimaal danteeda ah.