Debka ayaa la sheegay in uu ka kacay Oksijiin loo isticmaalayay bisleyn digaaga waxa uuna geystay qasaare aad u xoog badan oo soo gaaray inta badan goobihii Ganacsiga ee halkaasi ku yaalay.
Mid ka mid ah dadkii halkaasi ku jiray ayaa inoo xaqiijiyay in aysan jirin wax qasaare nafeed ah oo ka dhashay debkaasi xooga badan,waxa uuna cadeeyay in mid ka mid ah maqaaxidihii ugu caansanaa ay wada gubatay.
Deb demis ayaa halkaasi soo gaaray waxaana lagu guuleystay in la damiyo iyadoo hadda halkaasi ay ka muuqaneyso dhibaatadii xooganeyd ee uu geystay debkaasi.
Inta badan sidaan oo kale ayay u dhacdaa in deb uu sidaan kaga kaco goob aad u shaqo badan oo ay dadka is kugu yimaadaan.