Ciidamada Maamulka Konfur Galbeed Somalia, ayaa waxay Magaalada Baydhabo ku dileen nin horey Ururka Al Shabaab kaga goystay, isuna soo dhiibay Maamulka Gobolka Baay.
Ninkan oo lagu magacaabi jiray Isaaq Aadan Isaaq Sabuul, ayaa baadigoob loogu jiray maalmihii ugu dambeeyay, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in kufsi uu ka gaystay Magaalada Baydhabo iyo Deegaanka Buulo Jadiid, oo qiyaastii 20km u jirta Xarunta Gobolka Baay.
Ciidamada KGS oo ninkan toogasho ku dhaawacay Talaadadii, ayaa waxaa dhaawac ahaan loogu qaaday Isbitaalka Baydhabo, inkastoo gelinkii dambe ee shalay uu ugu geeriyooday dhaawacii uu qabay.
Tallaabada lagu dhaawacay, ayaa ka dambeysay markii uu ka biyo diiday in uu isu soo dhiibo Ciidamada, isagoona sameeyay iska caabin, xilli uu ku hubeysnaa qori AK47.
Isaaq Aadan Isaaq oo horaantii sanadkan isu soo dhiibay Maamulka Gobolka Baay, ayaa billihii ugu dambeeyay waxa uu ka tirsanaa Ciidamada Dowladda, wuxuuna u dhaxeeyay Baydhabo, Buulo Jadiid iyo Goof Gaduud.
Hal habeen ka hor, ayaa wuxuu haweeney ku kufsaday Xerada Xannaano ee Baydhabo, oo ay degan yihiin dad barakacayaal ah. Waxayna taasi keentay in Talaadadii lagu weeraro meel ku dhaw Xeradaasi oo uu ku sugnaa.
Taliska Saldhiga Booliska Baydhabo, ayaa diiwaangeliyay in ka badan toddobo kiis oo kufsi ah, oo lagu eedeynayo in uu gaystay Sabuul, iyadoona uu qorshuhu ahaa in gacanta lagu soo dhigo, lana horkeeno Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
Sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka ee Baydhabo, ayaa muurinews.com u sheegay inaanu ninkaasi soo marin wax dhaqancelin ah, isla-markaana uu si toos ah ugu biiray Ciidamada Dowladda, isagoo markasi garab ka helaaya askar ka tirsan Ciidanka KGS, oo ay ehelo ahaayen.