Gudoomiye Xasan Cumarey oo wareysi sinayey Warbaahinta Danan oo inta badan xooga saarta Arimaha Gobolka Shabeelada hoose ayaa wax laga waydiiyey xaalada Magaalada Marka.
Gudoomiyaha ayaa ugu horey sheegay in xaalada amaan ee Marka ay tahay haatan mid soo hagaageysa.
Waxa uu sheegay in ay jiraan kooxo Mooryaan ah oo qaad ku dhacay eeriyada Isbitaalka Marka kuwaas oo haatan ku xiran Xabsiga Degmada.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in isa socodka habeenkii uu yahay mid caadi ah oo aan waxaba iska bedelin ayna jiraan dad habeenkii ganacsigooda wata.
Dhegeyso.