Guddoomiyaha Maamulka Koofur Galbeed ee Gobolka Baay Cabdirashiid Cabdullaahi Max’ed ayaa muurinews.com kaga warbixiyay duqeymo diyaaradaha dagaalka dhawaan ka geysteen deegaanno ka tirsan Gobolka Baay isagoo xusay in duqeymahaas lala Bartilmaamsaday fariisimo ay dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ku leeyihiin meelaha la duqeeyay.
Cabdirashiid Cabdullaahi Guddoomiyaha Gobolka Baay ayaa qeexay in ay ka war qabaan duqeymahaas islamarkaana ay qeyb ka yihiin Howl galka ka dhanka Al Shabaab oo ay AMISOM ka waddo deegaanno ka tirsan Gobollada Baay iyo Bakool, wuxuumna intaas ku daray in khasaaro xoogan lagu gaarsiiyay weerarada dhanka Cirka ah dhaq dhaqaaqa Al Shabaab.
Geesta kale Guddoomiye Cabdirashiid Cabdullaahi ayaa tilmaamay in qorshihii soo xulista xubnaha Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed uu hakad galay maalmihii Munaasabadda Ciida balse sida uu sheegay uu dib u billaabmi doono todobaadka na soo aadan, isagoo dhanka kale beeniyay in uu Jiro khilaaf u dhexeeya beelaha dega deegaanada maamulka Koofur Galbeed kaas oo ku aadan qaanka loo qeybsanayo Xubnaha Baarlamaanka.