Maleeshiyaad hubeysan, ayaa waxa ay toogasho ku dileen lamaane reer Israel ah, ka dib markii ay ku weeraren Daanta Galbeed, dhulka reer Falastiin ee Yahuuddu gumeysato.
Maleeshiyaadka, ayaa waxay laamanahan ku dhex toogteen gaari ay la socdeen, waxaana la dilay iyadoo ay la socdeen afar carruur ah oo ay dhalleen. Carruurtu waxay ka badbaaday weerarkaasi.
Maleeshiyada ayaa waxaa u suurta gashay inay ka baxsadaan halkii ay weerarka ka gaysteen, oo daqiiqado ka dib ay soo gaareen Ciidanka Maamulka Israel.