Wareegto kasoo baxday Taliska Ciidamada Militeriga Ugandha ayaa waxaa lagu magacaabay Taliyaha Ciidamada Uganda ee ka howlgali doona G/Sh/Hoose.
Wareegtada ayaa waxaa soo saaray Taliyaha Ciidamada Lugta ee Uganda, Jen. Katumba Wamala waxaana xilkaasi loo magacaabay Col. Omolo Peter Gatilano oo noqon doono Taliyaha Guutada 16-aad ee ciidamada Uganda ka jooga Gobolka Shabeellada Hoose, sida wareegtada lagu cadeeyay.
Col. Omolo Peter Gatilano, ayaa waxaa lagu bedelay taliyihii hore ee Ciidamada Uganda Col. Bosco Mutambi.
Magacaabida Taliyaha Cusub ayaa loola gol leeyahay in Ciidamada AMISOM ee Gobolka Sh/Hoose waxbadan ka bedelaan Howlgalada ay ku baacsanayaan Maleeshiyaadka Al-shabaab.
Wasaarada Gaashaandhiga Somalia ayaa soo dhaweysay magacaabida Col. Omolo Peter Gatilano, waxa ayna rajo wanaagsan ka muujisay sara u kaca ku imaan-doona Howlgalada Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM kawadaan Gobolka Sh/Hoose.
Isbedelka lagu sameeyay Taliska Ciidamada Ugandha ee G/Sh/Hoose ayaa imaaneysa xili Maleeshiyaadka Al-shabaab ay caadeysteen in weeraro culus ay ku qaadan xarumaha AMISOM ee Gobolkaasi.