Khilaaf u muuqda mid Xalkiisa daba dheeraaday ayaa wali ka taagan soo Xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Muranka ugu weyn waxa uu ka taagan yahay Beelaha deggan Gobolka Bakool, gaar ahaan Degmooyinka Yeed, Ceerberde iyo Caato kuwaasi oo isku haysto qeybsiga Xubnaha laga siiyay Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Warar hoose oo ay heshay muurinews.com ayaa Sheegaya in Qaar badan oo ka Tirsan Odayaasha ka Soo Jeeda koonfur galbeed ay bilaabeen inay Qaataan Budad si ay u qasaan Shirka lagu SoO Xulayo baarlamaanka uu yeelanayo Maamaaulka koonfur galbeed.
Maxa’ed Xasan Max’uud oo ku xigeenka dhanka Amniga Maamulka Gobolka Bakool ayaa sheegay inay wali ku howlan yihiin qancinta Beelaha Gobolkaasi, islamarkaana ay ku dadaalayaan sidii Beel kasta uga soo dhex-muuqan lahayd Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Tan iyo markii la aas aasay Maamulka Koonfur Galbeed, waxaan jirin Baarlamaanka dejiya Sharciyada uu ku shaqeeyo Maamulkaasi, sababtoo ah Khilaaf ka jira soo xulista Xildhibaanada.
Odayaal badan ayaa waxaa ay Diidan yihiin Dia loo Soo Xulayo Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.