Waxaa wali khilaaf xoogan uu ka taagan yahay habka soo xulista xubnaha baarlamaanka ee maamulka Koofur Galbeed, waxaana cabashooyin badan ka taagan yihiin beelaha kasoo jeeda gobolada dhexe ee dalka.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in waxgaradka ku sugan Ceelbarde aysan ku qanacsaneyn habka loosoo xulayo xubnaha baarlamaanka maamulka Koofur galbeed oo dhawaan la qorsheynayo in lasoo dhiso.
Sidoo kale waxgaradka ku sugan deegaano ku yaala gobolka Bakool ayaa cabashadaasi oo kale qaba,waxaana odayaasha qaar dhaqaalo badan ay ku badalayaan booska xildhibaanimada.
Maamulka gobolka Bakool ayaa sheegay in la qancin doono dhamaan beelaha Soomaaliyeed ee daga gobolada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose, islamarkaana aan maamulka xildhibaanadiisa ku dhawaaqi doonin ilaa dadka laga qanciyaa.
Arimaha ugu badan ee beelaha ka cabayaan ayaa ah in laaluush lagu badalayo kuraasta baarlamaanka maamulka koofur galbeed, waxaana arintaasi caqabad ku noqoneysaa maamulka Koofur Galbeed.