Kulan loogu magacdaray Madasha wada tashiga Bulshada Rayidka Ee Degaanadda Dowladda Koonfur-Galbeed Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay Dallada Jilayaasha aan Dowliga ahayn ee Koonfur-Galbeed Soomaaliya loo soo gaabiye (SOSWENSA) ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Kulankan oo ahaa mid looga hadlaayey Hiigsiga Cusub Ee Soomaaliya ay leelan doonto Sanadka 2016 islamarkaana aragti looga dhiibanaayey sida ugu haboon ee ay noqon karto doorashada dalka ka dhici doonto 2016-ka waxaana k asoo qayb galay Ururada Bulshada rayidka Ee Degaanadda Dowladda Koonfur-Galbeed Soomaaliya Gaar ahaan Gobolka Bay.