Waxaa muddooyinkan danbe soo if baxay xildhibaano olole siyaasadeed ka wada Gobolka Bakool oo cadaadis ku haya maamulka Koonfur Galbeed ee uu hogaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, kuwaasoo ay isku beel ka soo jeedaan hogaamiyaha Juba Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe).
Xildhibaanadan oo qorshahoodu yahay inay Shariif Xasan iyo Maamulkiisa ku abuuraan qas siyaasadeedka ugu culus xilligan oo la dhisayo Baarlamaanka K/Galbneed, wuxuu qorshahoodu yahay inay Shariif Xasan iyo Maamulkiisa ciriiri geliyaan, isla markaana ay culeys ku saaraan dhinaca IGAD, Itoobiya iyo dowladda Federaalka.
Xildhibaanadan waxay Axmed Madoobe u hayaan shaqo ah inay ka fujiyaan culeyskii uu Shariif Xasan saaray, waxayna arrintani u muuqataa mid aarsi siyaasadeed ah. Inkastoo Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe isku arkeen caleemo saarkii kan dambe ee ka dhacay magaalada Kismaayo, haddana ma jirin wax is-afgarad ah oo ay gaareen, waxaana howsha la wareegay xildhibaanada qas-wadayaasha ee ay ugu horeeyaan:
1-Xildhibaan C/wahaab Ugaas Khaliif
2-Xildhibaan Axmed Aabi Aadan
3-Xildhibaan Maxamed Iidle Xerow
Sawirrada hoose waxay muujinayaan xildhibaanada wada ololaha ka dhanka ah Koonfur Galbeed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo muddo dhowr jeer ah isaga daba noqday Ceelbarde, waxaysea xaaladu u eg tegay mid beel ahaan u abaabulan oo ah “KU QABSO, KU QADI MEYSIDE”