Waxaa goor dhaw dib u helay Xurriyadooda Laba wariye oo ka tirsan TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho, kuwaa oo u xirnaa hay’adda Nabad sugidda Qaranka muddo dhan Lix Maalin.
Naciimo Ciise oo ah agaasimaha magaalada Muqdisho ee Tv-ga Universal ayaa muurinews.com u xaqiijisay in lasii daayay Wariye Cawil Daahir Salaad oo barnaamij soo saare ka ahaa TV-gaas, iyo sidoo kale agaasimahii Bariga Afrika ee Talefishinkaasi Cabdullaahi Xirsi Kulmiye.
Maanta ayeey ahayd markii guddoonka baarlamaanka Soomaaliya qoraal uu soo saaray ku sheegay in xeer ilaaliyaha guud ee qaranka uu ka aqbalay in lasii daayo Wariyeyaashaan.