Guddoomiyaha Maamulka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose Xuseen Barre Max’ed oo la hadlay muurinews.com ayaa sheegay in xurumo uu ku shaqeynayo maamulka Koofur Galbeed laga yagleelayo degmadaasi Baraawe.
Mr Xuseen Barre ayaa shaaca ka qaaday in dib u dhis lagu sameeyay xarumihii dowladda ee degmada Baraawe , wuxuuna tilmaamay in lagu guda jiro dhismaha Dekedda iyo Garoonka diyaaradaha degmadaasi dhawaan dib loo howlgelin doono.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Baraawe ayaa daaha ka rogay in ay shaqeynayaan waddooyinka isaga goosha degmada Baraawe iyo deegaanada kale wuxuuna meesha ka saaray in ay go’an yihiin Jidadka soo gala degmada Baraawe.
Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ahayd Caasimadda maamulka Koofur Galbeed ay ugu dhawaaqeen markii la dhisayay walow haatan maamulku si KMG ah ugu shaqeeyo Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.