Dowladaha Ethiopia iyo Kenya ayaa shirkii Midowga Afrika oo Maanta ka furmay Magaaladda addis ababa usoo gudbiyay dacwad ka dhan ah Calanka iyo Astaanta Qaranka Soomaaliya oo ay sheegeen inuu sheeganayo dhul xuduudeed ay labadaasi dal leeyihiin oo sharci , ah waxaanna ay soo jeediyeen in Midowga Afrika waxkabedel ku sameeyo calanka iyo astaanta Somaliya.
Raysul Wasaaraha Gumaysiga Ethiopia ayaa sheegay inaanay somaliya tixgalin codsi ay u gudbiyeen oo nuxurkiisu ahaa inay somaliya ka laabato sheegashadda dhulka Ethioipia ee Reserve Area (Ogadeniya ) isagoo siddoo kalenna sheegay inaanay Somaliya tixgalin Caawimaddii iyo badbaadintii labadaasi waddan ay somaliya la garabtaagnaayeen muddo ka badan 20 sano.
Madaxweynaha Kenya waxa uu sheegay inay Maxkamadda Caalamiga ah ee Hague ay u Xukuntay dhul ay Somaliya sheeganayso wuxuuna sheegay in waxlaga bedelo Calanka , Astaanta iyo Qariiradda Somaliya intaba .
Midowga Afrika ayaa aqbalay soo jeedinta Labadaasi Waddan Waxanna isla goobta Jooga Wasiirka Arrimaha debedda ee Somaliya oo Codbaahiya Laga bakhtiiyay, kadib markii isku dayay inuu hadalo, haddase wuu iska fadhiistay oo wuxuu sugayaa jawaabta Dowladda Djibouti oo ka bixiso soo jeedinta iyo bedelka xidigta calanka somaliya oo ay qaybka tahay .
Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa sheegay inuu madowga Afrika diyaar u yahay Xalinta Khilaafaadka Xuduudaha ee wadamadda Afrika gaar ahaan kuwadda ka dhexeeya Somaliya , Kenya iyo Ethiopia , wuxuuna sheegay inay haboontahay inuu Midowga Afrika Cod u qaaddo waxka bedelka Calanka iyo Astaanta somaliya, 57 Waddan ayaa u codeeyay in waxlaga bedelo astaanta Somalia, 5 waddan oo kala ah , Sudan , Masar , Tunisiya iyo Nigeria iyo Eritrea ayaa diiday Qorshaha .
Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa amray wasiirka Arrimaha debedda ee Somaliya oo Goobta fadhiyay inay aanay Dowladda Somaliya isticmaali karin Xidigta Shanta Gees leh , Wuxuuna sheegay inay si Ku meelgaadh ah usii Isticmaalaan Calaamadda Goobo ah inta ay ka samaysanayaan calaamadda iyo Calan Cusub.