Ciidanka Maamulka Yahuudda, ayaa haweeney reer Falastiin ahayd waxay ku dhex dileen goob basaska laga raaco, ka dib markii ay ku eedeeyen in mindi ku hubeysneyd.
Gabadhan oo lagu magacaabi jiray Basaraa Zidan Taufik Abad, ayay Ciidanka Yahuudda rasaas la dhaceen, xilli gacmaheedu ay kor u taagnaayen. Laba askari oo Yahuudi ah, ayaa rasaasta la dhacay haweeneydaasi. Dhacdadan waxay Jimcihii ka dhacday Magaalada Afula.
Basaraa Zidan oo ahayd hooyada saddex carruur ah, ayaa waxay Master of Chemical Ingineering ka diyaarineysay Jaamacadda Prestigious Technion.
Magaalada Dimona, ayaa waxaa Jimcihii lagu xiray nin Falastiini ah, ka dib markii uu mindi ku dhaawacay wiil 16 jir oo Israeli ahaa iyo askari ka tirsan Booliska. Magaalada Jerusalem, ayaa sidoo kale lagu xiray wiil Falastiini ah, oo mindi ku dhaawacay wiil 14 jir Israeli ah.
Laamaha ammaanka Israel, ayaa sheegay inay soo badanayan dadka Falastiiniyiinta ee mindiyaha ku hubeysan, isla-markaana beegsanaya dadkooda, waxayna ku hanjabeen in ciqaab adag wejihi doonaan kuwaasi.