Wasiir ku xigeenk Warfaafinta maamulka Jubbaland Geele Saliid Aadan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in magaalada Kismaayo uu ka dhamaaday tuugsiga iyo gacan hoorsiga sidaasi daraadeedna shacabka iyo maamulka isku tashadeen.
“Xiligii Tuugsiga iyo Gacan hoosriga Shisheeyuhu wuu dhamaaday,Waxaan la joogaa Xiligan wax qabsi iyo iskaashiga,iyadoo dadka deegaanku ay Xiligan u tafo xayteen sidii ay gacan u siin lahaayeen shaqsiyaadka doonaya in xoogaa hormar ah ka sameeyeen deegaanka,iyadoo si iskood aha ay dadkaas u doonayaan in meesha baahida wayn ay ka jirto ay wax ooga qabtaan”Waxaa sidaas yri Geele Saliid oo Wasiir kuxigeen ka ah Jubbaland.