Guddoomiyaha Maamulka Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Xasan Cumar oo u warramayay Shabakada muuinews,com ayaa ka warbixiyay kulan ammaanka degmadaas looga hadlayay.
Xasan Cumar ayaa ku tilmaamay in kulanka ay ka qeyb galeen saraakiisha amniga degmada Marka, iyo kuwa Midowga Africa intaba ayna ka soo baxeen qodobo dhowr ah.
Qodobada kulanka laga soo saaray waxaa ka mid ah in Maleeshiyo ku sugan degmada Hubka laga qaado, iyo in Ciidamada amniga iyo kuwa AMISOM lagala shaqeeyo Nabad gelyada Magaalada Marko.
Ciidamada AMISOM ayaa dhowr jeer oo hore Magaalada Marka waxa ay ku dileen tiro dad shacab ah iyadoo aanu jirin wax natiijo ah oo ka soo baxay baaritaanno ay horay AMISOM u sheegeen in ay ku hayaan arrintaasi.